Walaaca laga muujinayo bixitaanka ciidamada Afrikaanta ee Soomaaliya oo sii xoogaystay.

Sunday November 22, 2026 - 14:44:12
MeMO Staff
Xilli uu fashilmay duullaankii gardarrada ahaa ee lagu soo qaaday Soomaaliya, isla markaana uu socdo diyaar-garow ay ciidamada shisheeye ugu jiraan sidii ay uga bixi lahaayeen dalka, ayaa waxaa soo yeeraya walaacyo laga muujinayo awoodda ciidanka DF.
Wargeyska Kenya ee The EastAfrican, ayaa warbixin uu shalay daabacay ku sheegay in ciidamada Afrikaantu ay wadaan qorshe walbahaarkiisa wata oo mas’uuliyadda saldhigyada ay hayaan ugu wareejinayaan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Wareejintan cusub ee la qorsheeyay ayuu wargeysku xusday inay imaanayso iyadoo weli walaac laga qabo in ay soo noqoto xaalad la mid ah kala-guurkii hore ee amniga, kaas oo sababay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay si degdeg ah ula wareegaan saldhigyo ay baneeyeen ciidamada Midowga Afrika.

"15-kii Nofeembar, cutub ka tirsan Ciidanka Difaaca Shacabka Uganda (UPDF), aya ciidanka Soomaaliya ku wareejiyey shan saldhig oo ku yaalla aagga hawlgallada ee Baraawe. Tallaabadan ayaa astaan u ah marxalad cusub oo ku saabsan qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.” Ayuu yiri wargeysku.

Isagoo warbixintiisa sii wata ayuu intaas raaciyey "Wareejintan ayaa dib u soo noolaynaysa walaaca laga qabo in kala-guurka amniga uu noqdo mid ugu dambayn kusoo idlaada in sidii horey u dhacday, goobaha laga baxay ay dib ula wareegto Al-Shabaab”

Wargeysku waxa uu hoosta ka xariiqay in cadaadiska ka dhashay dhaqaale la’aanta iyo go’aankii Maraykanka ee xirista xafiiska UNSOS ay ka mid yihiin waxyaabaha soo dedejiyey in la yeesho wada-xaadjoodyo daaran sidii loo soo afjari lahaa hawl-galka AUSSOM.

Sidoo kale warbixintu waxay ka sanqarisay, in dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey ee la xiriira xaaladda kala-guurka amni ee Soomaaliya ay muujinayaan sida loo dedejinayo qorshaha bixintaanka ciidamada Afrikaanta iyo wareejinta saldhigyada ay bannaynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, dibu-gurashada ciidamada Afrikaanta, ayaa muujinaya fashilka baaxadda leh ee ku yimid duullaanka muddada labaatanka sanno sida xiriirka ah uu caalamku uga wadday dalka Soomaaliya, kaas oo gunaanadkii kusoo idlaaday fashil iyo guul-darro ba’an.

Related Items

Update cookies preferences